Wararka Maanta 
dooynet.com | May 11 - 2008

Qorshe Ismaamul Goboleed loogu sameynayo Ilaa Lix Gobol oo ku yaal Koonfurta Soomaaliya ayaa ka socda Magaalada Baydhabo.

Waxaa si xoogan Magaalada Baydhabo uga soconaya qorshayaal balaaran oo lagu doonayo in Ilaa Lix gobol Ismaamul Goboleed loogu dhiso.

Qorshahan siyaasadeed ayaa waxaa wada Xildhibaanada 
ka soo jeeda Ilaa Lix Gobol oo ku yaala Koonfur 
Soomaaliya, kuwaasoo doonaya in ay dib usoo 
nooleeyeen Maamul Goboleedkii Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo oo ay shalay kulan xasaasi ah ku yeesheen 100 ruux oo ka soo jeeda lixdaasi gobol ayay 
kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ku jirto sidii ay 
isu cafin lahaayeen, isla markaana ugu midoobi 
lahaayeen dhismaha Maamul Goboleedkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe 
ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo 
soo nooleeyo Dowlad goboleedkii Koonfur Galbeed 
mar uu ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Xildhibaanada 
ka soo jeeda Lix Gobol.

Gobolada Baay, Bakool, Jubada Hoose, Jubada Dhexe 
iyo Sh/Hoose ayaa la sheegay in la doonayo in maamul 
loogu dhawaaqo, kaasoo loogu magac darayo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo horay 
madax uga ahaan jiray Shaati Gaduud oo hada ah 
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanada ka soo jeeda Goboladaas ayaa doonaya 
in si meesha looga saaro is jiid jiidka Maamulada in Goboladaas loo sameeyo hal hogaan oo isku dhaf ah.

Xigasho:allPuntland

 
   
Ciidamo Itoobiyaan ah oo buux dhaafiyay Balad Weyne,iyo Yuusuf Daba Geed oo hub ka dhigis ay 
ku sameeyeen.

Waxaa xalay ilaa shalay gelinkii danbe kusii qul qulayay gudaha magaalada Balad Weyne ee xarunta Gobolka 
Hiiraan boqollaal Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo fariisimooyin ka sameystay gudaha magaalada iyo 
xarumihii dawladda.

Ciidamadaasi oo ku hubeysan hubka nuuyadiisa kala 
duwan ayaa degay xarumaha Saldhiga Booliska iyo tan Gobolka halkaasi oo ay dhufeysyo xoog badan ka galeen marka laga soo tago labada buundo ee magaalada ee 
Buunda weyn iyo Liiq liiqato oo iyana ay dhufeysyo kaga jiraan.

Ciidamada itoopiyaanka oo looga bartay Meelaha ay 
tagaan in ay shacabka ku gumaadaan ayaa shacabka beledweyne ku dhaqan ka muuqataa cabsi aad u daran.

Dhinaca kale Ciidamadaasi Itoobiyaanka ayaa  hub ka 
dhigis ku sameeyeen Gudoomiyihii xilka laga qaaday 
Yusuf Dabageed. Hadalo uu kol hore jeediyey Yusuf dabageed ayaa ku adkeysanayey in uu weli asagu yahay godoomiyaha gobolkaasi hiiraan laakin Maanta ay ciidamadaasi itoopiya ay hubkii kala wareegeen iyaga 
oo u gogol xaaraya godoomiyaha cusub ee dowlada u 
soo magacowday gobolka markii uu yusuf dabageed uu 
wax kaqaban waayey amaanka gobolka.

dooynet@gmail.com
Ahmed uudow