|
Itoopiyaanka
oo doonaya in ay fashiliyaan hindisaha beesha caalamku ay
kudoonayaan in Dowlada iyo Mucaaradka Ku heshiisiiyaan.
Dowlada Soomaaliya oo aan
Siyaasadeeda u
madaxbanaaneyn iyo itoopiyaanka oo 18kii
sano
kufekeri jiray in soomaaliya abid nabad ka dhicin hadana howshaasi
sii wada.
Waxaa taasi cadeyn u ah in
ay itoopiyaanku dagaal kuqaadeen shacabka soomaaliyeed ee ku
dhaqan
Moqdisho xili ay beesha caalamka ay wadaan dadaal
ay isugu
soo doweynayaan Dowlada iyo Mucaaradkeeda.
Sidaanu ognahay waxaa jirtay
ayaamahaan in kooxda mucaaradka Asmara joogtaa in ay safaro kala
duwan ay
kukala tageen Nairobi iyo Jabuti kaasi oo uu ahaa dadaal
ay beesha caalamku kudoonayeen in xal waaraa laga gaaro
isjiidjiidadka ka dhaxeeya labadaan dhinac oo sababay Xasuuq iyo
barakicin shacabSoomaaliyeed oo aad u tiro badan.
Waxaa hada soo yeeray in
Kooxdii asmara ay
kudhawaaqeen in aysan sii wadi doonin wada
hadalkii
ay la yeelan lahaayeen dowlada.
Waxaan u sheegi lahayn
Kooxdaasi asmara in ay gartaan
in soomaaliya ay kujirto gumeysi
sida ay iyaguba ay
garowsan yihiin. itoobiyana marna yeeli mayso
soomaaliya inta ay nabad noqoto oo markaa dowlad Soomaali
lahelo.waxaa taasi markhaati u ah ayada oo laafadhiyo sidii dib u
heshiisiin laysugu keeni lahaa
Kooda asmara iyo dowlada in
ay dagaal kuqaadeen
shacabka Moqdisho iyagoo geystay xasiiq,barakac,
guryo lagubay iyo weliba ay kukaceen gowrac loo
geystay culimaa'udiin masaajid lagala soo baxay.
intaasina
dowlada itoopiya ay kudooneyso oo
keliya sidii burbur ugu iman
lahaa dadaalka beesha
caalamka ay wadaan.
Waxaan kooxda Asmara kula
dardaarmi lahayn in ay
siiwadaan wadhadalka ay dowlada laleeyihiin
si
markaa loo suurta geliyo jawi itoopiyaanka wadanka
looga
saaro.Itoopiya in ay baxdo doonimeyso Dowlada Soomaaliyana uma
madaxbanaana wax kastaa ay rabaan
mana hakin karaan dagaal danbe
oo shacab loogeysto
xili kastoo itoobiyaanka ay rabaan in ay
shacabka laayaan way laynayaa .marka waa in kaaxda asmara ay sidaa
u
gartaan oo aysan hakin dadaalkooda ku aadan
wadahadalka
iyagoo markaa kaashanayaa beesh
caalamka si wada jir ah in
itoopiyaaanka wadanka
jawi looga saari karo in la dhaliyo ayaanu
taladayadii
kusoo gunaanudeynaa anagoo ku hadleyna magaca
shacabka
soomaaliyeed maadaama aanu nahay
muwaadiniin kadamqaneysa
gumeysiga ay kujiraan.
Ahmed uudow
dooynet@gmail.com
|