www.dooynet.com

 

Wararka Maanta 
dooynet.com | April 22 - 2008

Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo la sii daayay kadib 115 cisho oo uu u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya

Arbaco, April 23, 2008(HOL): Waxaa maanta la sii daayay oo xoriyaddiisii dib u helay Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo isagoo ka dhoofayay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadd ee Magaalada Muqdisho ay soo xireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxmed Shidane oo qudhiisa Saxaafadda la hadlay kadib markii la sii daayay ayaa wuxuu sheegay in uu xirnaa muddo 115 cisho ah, isagoo ku eedeysnaa in uu ka dambeeyay dilka Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali.

“Waxaan ku eedeysnaa in aan ka dambeeyay dilka Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa Saaxibkey Maxamed Muxyaddiin Cali oo aan anigu Isbitaal geeyay dhiiggeygana aan u shubay, laakin markii baaritaan dheer lagu sameeyay kiiskaas waxaa caddaatay in aanan wax lug ah ku lahayn, waxaana la i yiri si qalad ah ayaad ku xirneyd ee iska cafi ninkaas”ayuu yiri Maxamed Shidane Dabaan oo sheegay in markii la soo deynayay ay xukunka sii deyntiisa riday Maxkamad Mileteri oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo ahaa Tifaftiriha Wargeys ku hadli jiray Codka Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana xubin ka ahaa maamulka Degmada Kaaraan, waxaa uu dhinaca  kale sheegay in uu isaga baxay howshii uu u hayay Maamulka Gobolka Banaadir, haatan wixii ka dambeeyana uu yahay qof ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee aan dowladda ku jirin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wariye Maxamed Shidane Dabaan ayaa Seddex bilood ka hor markii ay soo xirayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu safar u sii ahaa Dalka Koofur Afrika, halkaasi oo la sheegay in uu ugu socday arrimo u gaar ah.

Xigasho:Hiiraan.com  
 
Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u qabteed Saraakiilsha Gumeysiga Itoopiya iyo kuwa lashaqeeya ee Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho kusugan Mas'uuliyiin katirsan maamulka Gobalka Banaadir iyo Sarakiil sheegay in ay katirsanyihiin Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka ayaa Maanta ka Hadlay Xasuuqii ay Ciidamada Itoobiya ka gaysteen xaafado katirsan degmada Huriwaa.

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa ka dhacay xarunta Warshadda Baastada oo fariisin Ciidan u ah Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho kusugan.

Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee kusugan Warshadda Baastada ayaa sheegay in ay laayeen kooxo katirsan Muqaawamada Soomaaliya islamarkaana ay guulo ka gaareen dagaalkii ka dhacaya SOS iyo Waxara Cadde sida uu sheegtay Itoobiyaankaas.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiyaasha degmooyinka Yaaqshiid, Shibis iyo Max'med Cismaan Dhagaxtuur Gudoomiya K/xigeenka arrimaha Bulshada Gobalka Banaadir ayay si buuxda u Difaaceen Xasuuqii ay Itoobiyaanku ka gaysteen Waxara Cadde.

Afhayeenka Ciidanka Booliska C/laahi Shaac-Shaac oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hub iyo Saanado ay Ciidamada Itoobiya kasoo qabteen degmada Huriwaa,Mas'uuliyintan katirsan Maamulka Max'med Dheere oo si dhuumalaysi ah kutegay Warshadda Baastada ayaa si isku mid ah u Difaacay Gowracii ay Ciidamada Itoobiya ka gaysteen Muqdisho

Xigasho.Markacadeey.net