www.dooynet.com

 

Wararka Maanta 
dooynet.com | April 24 - 2008

Gaari ay ciidamada Itoopiyaanka leeyihiin oo si arxan darro leh u dul maray gaari meel iska taagnaa oo dad shacab ah ay meeshaa ka raacayeen.

7 ruux oo saarnaa Gaari Mini Bus ah oo ku sii jeeday Suuqa Bakaaraha ayaa dhaawacmay kadib markii Gaarigii ay saarnaayeen uu dulmaray Booyad Ural ah oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah wateen, taasi oo mareysay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley.

Todobada Ruux ee dhaawacantay  oo uu ku jiray Darawalkii gaariga kaxeynayay ayaa marka laga reebo Nin gacanta ka jabay waxay intooda badan qabaan dhaawacyo fudud, sida uu ku waramay goob-jooge ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Florenza markii uu shilka dhacayay.

Booyaddaas ayaa markii ay dumartay  Gaariga BL-ka ah waxay iska sii wadatay socodkeedii, waxaana dadkii dhaawacmay u soo gurmaday Dad deegaanka ah, kuwaasi oo gaarigii oo buus-buusmay ka saaray dadkii ku jiray.

Isgoyska Florenza oo ay sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa had iyo jeer waxaa isticmaala gaadiid kala duwan oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo nawaaxigiisa, waxaana inta badan isku sigta Gaadiidkaas ay Ciidamada Itoobiyaanka wataan oo xowli ku socda iyo Gaadiid kuwa Dadweynaha u badan oo wadadaas isticmaala, waxaana taasi ugu wacan iyadoo Ciidamada Isgoyskaas ku sugan aysan kala hageynin Gaadiidka Wadadaas isticmaala, gaar ahaan marka ay Ciidamada Itoobiyaanka marayaan.

Dhanka kalena, waxaa saaka isaga  baxay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa, kuwaasi oo xalay ku hoyday meelaha ay ka baxeen, iyadoo aan ilaa iyo haatanna la ogeyn sababtii ay markii hore Wadadaas u yimaadeen.

Xafiiska wararka Moqdisho
dooynet@gmail.com

 
Taliyihii Ciidamada Booliiska Gobolka Bay ayaa maanta iska Casilay Xilikii uu ka hayay gobolkaasi

Taliyihii Ciidamada Booliiska Gobolka Bay ayaa maanta iska Casilay Xilikii uu ka hayay gobolkaasi kadib markii uu sheegay in uu wax ka qaban waayay amaan darida ku soo koradhay gobolkasi.

Gaashaanle Sare Ibraahin Macalin Kutub waxaa uu sheegay in uu wax ka qaban waayay Amaan darida ka jirta Gobolka Bay.

“Waxaan iska Casilay xilikii aan u hayay Dowlada Somalia ee ahaa Taliyihii Ciidanka Booliiska Gobolka Bay Sababo Jira Aawgood kadib markii aan ku guuleeysan waayay hoowshii la ii doortay ee ahaa sugida amaanka gobolka ” ayuu yiri G/Sare Ibraahin Macalin Kutub.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay jiraan caqabado kale oo uusan tilmaamin taasi oo u suurto galin waayeen in uu guto Waajibaadkiisa.

Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska Gobolka Bay G/Sare Ibraahin Macalin Kutub ayaa dowlada KMGS ugu baaqay in hadii la helayo qof buuxin kara Booskii uu ka tagay loo soo magacaabo si deg deg ah.

Kutub ayaa sidoo kale sheegay in xitaa uusan Xubin ka ahaaneyn Booliiska Somalia isla markaana uu yahay Qof Shacab ah oo ka madax banana waxa ka dhacaya Dalka Somalia.

Iscasilaada Taliyhii hore ee Gobolka Bay ayaa ku soo beegmeeysa xili ku dhawaad sanad ay amaan Dari ka jirtay gobolka Bay kuwasi oo aysan jirin Cid Wax ka qabatay.

Xafiiska wararka Baydhabo
dooynet@gmail.com