Wasiirrada Arrimaha Gudaha
iyo Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka
hadlay dagaalladii Sabtidii iyo Axaddii dhaweyd ka dhacay
Xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka
Banaadir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalladaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo wax laga
weydiiyay waxa uu ka ogyahay dad ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa
Itoobiya ku dileen Xaafadda Waxar Cadde ee Degmada Huriwaa, gaar
ahaan Masjidka Al-Hidaaya, ayaa wuxuu sheegay in haddiiba ay
jirto in ay arrintaas dhacday ay qalad tahay, isla markaana ay
mas’uuliyadda dhibaatadaas garbaha saarnayaan dhinacyadii
dagaalamayay.
“Waxa unbaa keenay in Masjidka ay Ciidamada Itoobiya galaan,
mana u maleynayo in Ciidamadu Dad rayid ah dilayaan, waxaase
shaki ku jiraa in ay kooxaha wax iska caabinta waday ay Masjidka
galeen, waxaanse ka xunnahay in ay Masjidka bannaankiisa ama
gudihiisa ay Dad Rayid ah ku dhintaan”ayuu yiri Muuse Nuur
Amiin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in la baarayo
eedeymaha loo soo jeeidyay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda
Federaalka ee ah in ay xasuuq ka geysteen Masjidka Al-Hidaaya,
wuxuuse ku cel celiyay in uu maleynayo inay masjidka
gabaad ka dhigteen Kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka kala
soo horjeeda Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Laakin Hadal midkaas ka
duwan waxaa bixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo sheegay in
aysan jirin wax xasuuq ah oo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa
Itoobiya ka geysteen Masjid iyo meelo la mid ah, wuxuuna
carrabka ku dhuftay in Masaajidda ay yihiin meelo dagaalka ka
caagan.
“Wararkaas waxaa fidiya
warbaahinta, mana ahan kuwo ay wax ka jiraan, haseyeeshee haddii
ay dad dembilayaal ay Masjidyada galaan Ciidamada Xaq ayay u
leeyihiin in ay soo qabtaan”ayuu yiri Wasiirka oo isagoo ku
sugan Dalka Mareykanka u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee
BBC-da.
Wasiirka oo sii hadlayay
waxaa uu sheegay in muddo bilooyin ah weerar lagu hayay Dowladda
Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay awood u
isticmaalayaan meelaha ay ku jiraan Kooxaha ka soo horjeeda
Dowladda Federaalka, isagoo gaashaanka ku dhuftay in dagaallada
socda ay wax u dhimayaan dadaalladii dib u heshiisiinta ahaa ee
laga dhex waday Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ,”gacan
wada hadallada ayaan ku wadeynaa, gacanna waan isku
difaaceynaa”ayuuna yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Cali Axmed Jaamac Jengeli.
Ugu dambeyntiina, dhawaan
ayay ahayd markii Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Muqdisho shir
jaraa’id ku qabtay uu sheegay in dagaallada Muqdisho ka socda
ay yihiin kuwo u dhaxeeya kooxo sida uu yiri cadaw ah oo soo
weeraray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya iyo Ciidamadaas oo
is-difaacaya
Xigasho:hiiraan.com
