www.dooynet.com

 

Wararka Maanta 
dooynet.com | May 01 - 2008

Aadan Xaashi Ceyroow oo ka mid ahaa madaxda Al-shabaab ayaa xalay lagu dilay weerar ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in xalay weerar dhinaca cirka ah ay ku soo qaaday diyaarad kuwa dagaalka ah oo Mareykan ah guri ku yaalay degmadaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roboow Abu-Mansuur oo ka tirsan Al-shabaab ayaa warsaxaafadeed  ku xaqiijiyay geerida Aadan Xaashi  Ceyroow iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar oo ku dhintay weerarkaasi ka dhacay Dhuusa Mareeb, isaga iyo dhawr qofood oo kale.

“Haddii uu shahiiday Macallin Aadan Xaashi Ceyrow waxaa jooga Ardaydii uu soo wax baray iyo raggii ay shaqada ku ballameen, waana sii socon doonaa jihaadka lagu xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu intaas ku daray in ay  u aar-gudi doonaan Aadan  Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxumed Maxamuud Cumar, isagoo sheegay in ay dad badan oo hadda ku farxaya geerida marxuumiintaas ay halaag ku dambeyn doonaan.

 

Ahmed uudow
dooynet@gmail.com

 

Xubnihii Dowladda Federaalka u soo magacawday Maamulka Gobalka Hiiraan oo intooda badan sheegay in aysan raali ka aheyn xilalka loo soo magacaabay

Waxaa sii kordhaya is-casilaada ay sameynayaan xubnihii Dowladda Federaalku u soo magacaawday Maamulka Gobalka Hiiraan kadib markii uu meesha ka baxeen mas'uuliyiintii Maamulkii hore ee Gobalka kuwaa oo sababo dhinaca nabad-galyada ah uga tagay howlihii ay hayeen.
 
Waxaa si dhab ah u shaaciyay in aysan ogleyn xilalka loo soo magacaabay Ku-xigeenada  Maamulka Gobalka Saleebaan Axmed Hilowle iyo Cabdi Iidow Sabriye, halka Maamulka Degmada Beledweyne xilalkii loo dhiibay ay iska diideen Sadaxda Ku-xigeen Salaad Xasan Cabdi, Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow iyo Ing, Faarax Cabdi Muuse Taano.
 
Sidoo kale waxaa ka mid ah Xubnaha shaaciyay in aysan aqbalsaneyn magacaabistooda Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka Hiiraan Col. Axmed Cilmi Guuto iyo Ku-xigeenkiisa Ibaarhim Axmed Magan, iyo waliba Taliyaha loo soo magacaabay Saldhiga Baliiska G/lle C/laahi Xaanshi Shirwac.
 
Xubnaha sheegay in aysan qaban doonin xalalka loo soo magacaabay oo dhan 8 xubnood ayaa ka dhigeysa tirada aan wali shaacin sida ay u arkaa xilalka loo dhiibay ilaa 7 xubnood oo kaliya, waxaana xusid mudan in dhamaan xubnaha ka tagan xilalka loo dhiibay ay sheegeen in uusan jirin amaan lagu shaqeyn karo iyo waliba in markii horeba wax laga weydiinin Magacaabistooda.
 
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka jira hadal heyn aad u badan gaar ahaan marka la eego Maamulka cusub ee loo soo magacaabay Gobalka Hiiraan xili Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Gobalku ku howlanaa sidii arimaha looga soo dhisi lahaa gunta hoose bulshaduna  u sameysan laheyd Maamul ay iyadu soo dooratay.
 
Dhinaca kale magacaabista Maamulka cusub ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan aysan jirin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo shaqeynaya taa oo xitaa keentay Su'aasha ah cida ka damaanad qaadeysa amaanka xubaha Maamulka Cusub oo intooda badan ku sugan Magaalada Beledweyne.

Xigasho:hiiraan